Xiritaanka ay sheegtay Ilhaan Cumar oo ”kacaan yar” ka curiyey baraha Bulshada (Arrin ay muhim tahay in wax laga bedelo)

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2022 – Xildhibaanadda Soomaaliyeed ee ku jirta Aqalka Wakiillada ee Koongarayska ee Ilhaan Cumar ayaa shalay sheegtay in xabsiga la dhigay.

“Maanta waxaa la igu xiray fal diidmo madano ah oo ka dhacay Maxkamadda Sare si aan uga mudaaharaado Roe v Wade in la rafaco iyo xadgudubka lagu hayo xuquuqda taranka ee dalka oo dhan,” ayay soo qortay goor dhowayd.

“Waxaan samayn doonaa wax kasta oo ay igu qaadato, oo ay ku jirto inaan jirkayga miiska saaro, si aan u ilaaliyo xuquuqdeena aasaasiga ah.” Ayay raacisay, waloow markii dambe ay soo baxday in aan la xirin balse goobtii ay ku dibedbaxayeen ay booliisku ka gelbiyeen.

Yeelkeede, waxaa ka yimid fal-celin culus oo ay Soomaalida baraha bulshadu diiradda ku saarayeen soo jeedinno ku aaddan in sidoo kale la xiro xildhibaannada Somalia.

Haddaba, horta halla xiree maxaa ku dhigay Destuurka KMG ah ee jahawareerka badan ee dalka, iyo sidoo kale xeer-hoosaadka Baarlamaanka DF. Waxaa qoray sidan soo socota:

”Xildhibaannada Soomaaliya lama xiri karo, lama baari karo, lama hor istaagi karo, meel lagama celin karo, sidoo kale dacwad ciqaabeed laguma soo oogi karo, qof muwaadin ahna ma dacwayn karo.

”Maxkamad loogama yeeri karo iyadoo aan ogolaansho laga haysan 70% xubnaha Baarlamaanka ama 2/3, lamana qaban karo xitaa haddii la fulinayo go’aan ka soo baxay Maxkamadda ugu sarreeysa dalka, hadii la arko xildhibaanka isagoo gacmaha kula jira dembi, waxaa khasab ah in soo qabashadiisa amar laga soo saaro.” ayaa ku qoran.

Maadaama Maxkamadda Barwadeeda lafteeda la sheegay inaan dheg jalaq loo siinaynin meesha kama muuqato cidda amarka soo saari karta ee Maxkamadda ka sarreeysa.

Waxay arrintani muujinaysaa in Xildhibaanku wixii uu doono samayn karo oo uu sharciga iyo xeerka ka wayn yahay.

Hadalsame Media