Wershadda ugu wayn Yurub ee tamarta nukliyeerka oo weerar lagu qaaday

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2022 – Wershada Tamarta Nukliyeerka ee ugu wayn Yurub ayaa waxaa weeraray saddex daroon oo ah nooca miidaaminta ee ‘kamikadze-ga’ oo ay leeyihiin Ciidamada Ukraine, sida ay ku doodayso warbaahinta Ruushka, iyadoo soo xiganaysa mas’uuliyiin maxalli ah.

According to statements, Zaporozhye Nuclear Power Plant, located in southeastern Ukraine but under the control of Moscow’s forces, has not been damaged and its reactor was not impacted by the attack.

Sida laga soo xigtey bayaannada, Wershadda Tamarta Nukliyeerka ee Zaporozhye, oo ku taal koonfur-bari ee Ukraine, laakiin ay maamulaan Ciidamada Moscow, ayaysan waxyeello halis ihi gaarin, iyadoo aanu curiyeyaasha wax saameyn ah ku yeelan weerarku.

Xaddiga shucaaca ayaa hadda ah mid caadi ah oo si joogto ah loola socdo, sida uu sheegay Vladimir Rogov, oo xubin ka ah maamulka millateriga iyo rayidka ee Gobolka Zaporozhye oo la hadlay wakaalada wararka ee Tass.

Ma ahan markii ugu horreeysey oo ay wershaddan beegsadaan millateriga Ukraine.

Luulyo 12, daroon Ukraine leedahay ayaa dhowr madfac oo 120mm ah ku tuuray dhismo ku dheggan wershadda korontada, taasoo waxyeello u gaysatey saqafkeeda iyo daaqadeheeda, sida uu RIA Novosti u sheegay adeegga saxaafadda ee maamulka magaalada Energodar.

Hadalsame Media