(Hadalsame) 20 Luulyo 2022 – Maraykanka iyo UK ayaa doonaya inay sii xoojiyaan dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo ay ka dhigaan iska hor imaad wayn oo u dhaxeeya Moscow iyo Yurub, sida uu qabo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov oo waraysi siiyey RT iyo Sputnik.
“Saaxiibadeenna Maraykanka iyo Ingiriiska… iyagoo taageero ka helaya Jarmalka, Poland, iyo dowladaha Baltic-gu, waxay aad ayey u doonayaan inay dagaalkan ka dhigaan dagaal dhab ah, iyagoo isku soofaynaya Ruushka iyo waddamada Yurub,” ayuu yiri Lavrov, isagoo la hadlayey Tifaftiraha Guud ee RT, Margarita Simonyan.
Dowladaha reer Galbeedka ayaa “Ukraine ka celinaya tilaabo kasta oo wax ku ool ah” oo ku wajahan xalka nabada, Lavrov ayaa ku dooday.
“Ma aha oo kaliya inay “hubka ku daadinayaan” dalkaasi, laakiin waxay “ku khasbayaan” Ukraine inay u isticmaasho si naxariis darro ah,” ayuu raaciyey.
Lavrov claimed that the US and Britain are “benefiting” from the conflict between Russia and Europe because the economies of the EU countries are bearing the brunt of the sanctions. He added that the US has been acting “irresponsibly” by stoking tensions with Russia.
Lavrov ayaa wuxuu xitaa ku andacoodey in Maraykanka iyo Britain ay “ka faa’iidaysanayaan” iskahorimaadka u dhexeeya Ruushka iyo Yurub sababtoo ah dhaqaalaha dalalka Midowga Yurub ayaa qaadaya culayska dhaqaale ee ugu wayn ee cunaqabateynta ka dhalanaya.
Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu u dhaqmayo si “mas’uuliyad-darro ah” isaga oo kicinaya xiisad dhex marta isaga iyo Ruushka.
Waxaan qabaa inaysan weli garowsan inay dab ku ciyaarayaan. Laakiin dalal badan oo Yurub ah ayaa hadda bilaabaya inay taa fahmaan.
Madaxwaynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa todobaadkii hore sheegay in Ruushka ay khasab ku tahay in uu “fashil istiraatijiyadeed” kala kulmo Ukraine, wuxuuna wacad ku maray taageero dheeri ah oo uu siin doono Kiev.
Hadalsame Media