(Hadalsame) 18 Luulyo 2022 – Sida ay xaqiijinayaan Ilo wareedyo muhiim ah, wafdi kasocda dawladda Masar oo ay ka mid yihiin wasiiro katirsan Xukuumadda Qaahira iyo Taliyayaasha ciidamada Milateriga & Sirdoonka, ayaa tagay Jamhuuriyada Jabuuti, 15 maalin ka hor, halkaas oo ay kula kulmeen madaxda Jabuuti.
Geelle iyo Sisi ayaa horey uga wada hadlay in Masar ay saldhig ciidan ka hesho Xeebaha Jabuuti (MAY-2021-kii), laakiin qorshahaas oo ay horey u aqbashay Jabuuti, xiligan haddana ayaa ka war-wareegaysa suuragalnimadiisa, iyadoo cabsi ka qabata culeys uga yimaada dhinaca Itoobiya.
48 saac kahor, waxaa la xaqiijiyey in uu Jabuuti joogay Sarkaal sare oo kasocday Madaxweynaha Masar, waxaana Jabuuti sidaas oo kale booqasho labo maalin ah ku joogay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Markale, wefdiga Masar waxay ku laaban doonaan Jabuuti, si loogu cadaadiyo in Jabuuti hirgaliso heshiiskii sannad kahor.
Masaaridu, waxay doonaysaa albaab ay uga soo dhawaato Itoobiya, si danaheeda biyaha wabiga Niilka uga ilaashato.
W; D: Faarax Cabdulqaadir
Hadalsame Media