(Volgograd) 18 Luulyo 2022 – Hoggaanka Ukraine ayaa la kulmi doona Allahii sameeyey haddii ay soo weeraraan Crimea, maadaama Ruushka uu ku aargoosan doono duqayn aad u ballaaran, sida uu ka digey Madaxwaynihii hore ee dalkaasi.
Dmitry Medvedev, Madaxwaynihii Ruushka ee 2008-dii ilaa 2012-kii, haatanna ah Guddoomiye Xigeenka Golaha Ammaanka ee dalkaasi, oo Axaddii la hadlayey halgamayaashii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, isagoo ku sugan magaalada Volgograd, ayaa digniin culus u diray maamulka Kiev, oo horay u sheegay in duqayn ka dhan ah Crimea ay miiska u saaran tahay.
“Qaar ka mid ah dabaallo la buunbuuniyey ayaa si isdaba-joog ah u soo baxaya, oo xitaa isku deyaya inay noo hanjabaan – waxaan ula jeedaa weerar lagu qaado Crimea iyo wixii la mid ah,” waa inay ogaadaan in cawaaqibka ficilka noocan oo kale ah uu aad ugu darraan doono iyaga.” ayuu yiri sarkaalkan Ruushka u hadlay.
Sida laga soo xigtey Medvedev, “haddii ay dhacdo wax sidan oo kale ah, Maalintii Qiyaamaha ayaa dhammaantood ugu iman doonta isku mar – weliba si degdeg ah oo adag.”
Madaxwaynihii hore ayaa intaa ku daray “inay aad u adkaan doonto in laga dhuunto” haddii Ruushku uu bilaabo duqaymahan ballaaran.
Waxa uuna xusay in inkasta oo ay jiraan khatarahaasi, hoggaanka Yukreeniyaan uu weli “sii wado in uu xaaladda guud uga sii daro hadalladan oo kale.”
Hadalsame Media