(Muqdisho) 18 Luulyo 2022 – Dayuurad ay leedahay shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ayaa goor dhaw ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Diyaaraddan oo ka timid Baydhabo ayaa waxaa saarnaa rakaab gaarayay 33 qof oo dhammaantood ka badbaadey shilkaas diyaaradeed.
Dayuuradda ayaa burburtay xilli ay soo caga dhiganeysey dhabbaha Garoonka Diyaaradaha iyadoo rakaab sidda.
Waloow ay diyaaradda oo uu dab ka kacay bas beeshay misna dhammaan rakaabkii la socdey diyaaradda ayaa laga soo badbaadiyey mana jiro khasaare nafeed oo dhaafsiisan burburka diyaaradda.
Waa shilkii ugu ballaarnaa ee ku dhaca diyaarad ka mid ah kuwa dalka ka shaqaynayey kaddib burburkii, marka laga hadlayo kuwa rakaabka qaada.
Hadalsame Media