(Hadalsame) 17 Luulyo 2022 – Ganacsiga Jaadka Kenya ee Miirowga loo yaqaan ee la gaynayo Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay markii ugu horreeysey saami ku leeyihiin wasiirro & ganacsato u dhalatay Jabuuti, kuwaasoo soo maraya dhinacyo kala duwan, sida ay ilo badani sheegayaan.
Inta la xaqiijinayo ilaa $5.2milyan oo Doollar oo hormaris ah ayaa lagu kala qaatay qorshahan cusub ee Jaad kasoo dejinta Soomaaliya.
Weli lama helin xog si gaar ah u magac dhabaysa wasiirrada iyo xildhibaannada, waloow ay xogaha qaar tilmaamayaan rag uu ku jiro Wasiirka Maaliyadda Jabuuti.
Lama oga sababta ganacsatadan iyo wasiiradan Jabuuti ay saamiga kaga noqdeen ganacsiga Jaadka Soomaaliya la geeyo, maadaama aysan jirin baahi dhinacaa ka jirta suuqaasina uu kooban yahay.
Sidoo kale, inta badan Ganacsiga Jabuuti ayaa ka xiran Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamud @HassanSMohamud, waad na deeqdey horey u soco garabkaagana naga dey #Djibouti #Somalia 🇩🇯🤝🇸🇴 pic.twitter.com/xOQac7PjJK
— Ilyas M. Dawaleh (@Ilyasdawaleh) July 17, 2022
Hadalsame Media