”Idinku maxaad ka samayseen Abu Ghuraib?” – MBS oo furka ku xooray Biden & ”xuquuq insaanka” Maraykanka

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2022 – Dhaxal-sugaha Sacuudiga ee Maxamed Bin Salmaan ayaa la sheegayaa inuu Washington kusoo hadalqaaday “khaladaadkii aan loo qabsan” ee ay ka sameeyeen Ciraaq iyo Afgaanistaan ​​markii uu Madaxwyne Joe Biden isla soo qaadeen dilkii foosha xumaa ee loo geystey wariye Jamal Khashuuqji oo MBS loo haysto, sida ay faafisay Reuters.

Inkasta oo Sacuudi Carabiya ay qiratay “khaladaadka” ay ka gashay Khashuuqji, islamarkaana ay sheegtay inay qaadday dhammaan tillaabooyinka ay kaga hortagayso khaladaad la midka ah mustaqbalka,” misna amiirka dhaxal-sugaha ah, oo inta badan loogu yeero magaca MBS, ayaa laga soo xigtay inuu runta u sheegay Biden.

MBS ayaa sidoo kale sida muuqata isku dayey inuu hoos u dhigo muhiimada dilka weriyaha Khashuuqji, kaas oo la diley kaddibna lagu jarjaray gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee Turkiga sanadkii 2018-kii, isagoo farta ku fiiqay in Maraykanka laftiisu uu leeyahay diiwaanno badan oo su’aalo la iska waydiinayo ku saabsan xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah.

Waxa uu sidoo kale soo qaaday dilkii dhowaan loo gaystey dilkii khaarajiska ahaa ee Saxafiyaddii Falastiini-Maraykanka ahayd ee Shireen Abu Akleh, oo lagu diley weerar ay Israa’iil ka gaysatey Daanta Galbeed.

Isla sanadkaas, waxaa dhacay dhacdooyin laga xumaado oo la mid ah waxaana lagu dilay saxafiyiin kale meelo kale oo adduunka ah,” ayuu yiri Amiirka Dhaxal-sugaha ah. “Maraykanku wuxuu kaloo sameeyey khaladaad badan sida dhacdadii xabsiga Abu Ghraib ee Ciraaq iyo kuwo kale.” ayuu ku dooday wax u eg hanna waanininee idinku is waaniya.

Dhammaan dalalka adduunka oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Sucuudigu waxa ay wadaagaan qiyam ay ku heshiiyaan iyo kuwa kale oo ay isku khilaafsan yihiin, ayuu soo jeediyay dhaxal-sugaha Boqortooyadu, isagoo ka dayriyey in la isku soo rogo aragtida uu dal qabo taasoo uu ku sheegay aragti khaldan oo sabab u guuldarrooyinka Washington ee Bariga Dhexe.

“Isku dayga ah in lasoo rogo qiyam xoog ku dhisani ay yeelan karto saameyn liddi ah, sida ka dhacday Ciraaq iyo Afgaanistaan, halkaas oo Maraykanku aanu ku guulaysan.” ayuu ku dooday MBS.

Hadalsame Media