(Hadalsame) 17 Luulyo 2022 – Muqdisho waxaa la gu qiyaasaa in ay ku nool yihiin ilaa laba milyan iyo nus qof, taas oo ka dhigaysa ta gayiga Soomaalida u gu weyn.
Dunida ma jirto, mana jiri karto, magaalo intaa la’eg oo aan lahayn habka dhuumaha bullaacadaha, ee afka qalaad la gu yidhaahdo sewer system, ha ahaato dhuumaha guryaha dareeraha ka qaada, ama ha ahaato kuwa waddooyinka biyaha roobka ka qaada.
Magaalooyinka kale ee Soomaaliduna waa la wada mid. La’aanta habka bullaacaduhu magaalo wax ay ka dhigtaa mid qudhun dhex fadhida oo nadaafad xumo, saxo xumo, foolxumo iyo socod xumo is ku darsata.
Hargeysa badhtankeeda arrintu wax ay gaadhay in balliyada dhex fadhiista carruurtu ku hafato oo ku dhimto, hareerahana waxaa ka xiga daaro malaayiin Dollar ah oo cashuurta la ga dhistay.
Waxaa la hubaa dhisidda habka bullaacaduhu in aanay aad qaali u ahayn marka loo eego sida ay daruuri u tahay iyo kharashka magaalo ku baxa, keliya waa hawl u baahan ilbaxnimo iyo masuuliyad.
Weligeed dunida ilbaxa ahi waa ay taqaannay habka bullaacadaha, habkan casriga ahina wax uu soo bilawday laba qarni ka hor.
Soomaalidu in ay hirgelin wayday ma aha saboolnimo ee waa talo xumo dawladeed, qorshe la’aan iyo musuqmaasuq iimaan la’aan ah.
Dabadeed waa taa magaalo walba xaarkii iyo kaadidii la dhex fadhiyo ee kunka cudur ee aan la garanayn loo dhimanayo.
Nin dhistay guri 5 milyan oo Doollar ah baa hoostiisu tahay biyafadhiisin iyo dac uraysa oo uuna is ku yaxyaxayn.
Sawirradan oo aan Facebook ka soo qaatay waa maanta iyo Xamar.
W; Q: Ibraahim Hawd-yuusuf
Hadalsame Media