“Mar dhow waxaa dalkan ka bilaabmi doona dagaal sokeeye!” – Cod ururin cusub oo sidoo kale muujinaysa arrin kale oo ay ka baqayaan dadka Maraykanku

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2022 – Dadwaynaha Maraykanka ayaa kasii rajo dhigaya mustaqbalka dalkooda oo ay aaminsan yihiin inuu bur bur ma hure yahay, sida ka muuqata codayn ay sameeyeen Yahoo/YouGov.

Dadka Maraykanku waxay aragti rajo la’aaneed ka muujinayaan mustaqbalka, iyadoo 46% ay leeyihiin jiilka soo socdaa wuu kasii xumaan doonaa midka haatan “halka kaliya 25% ay leeyihiin ” way fiicnaan doonaan.”

Sidoo kale, 37% codbixiyayaashu waxay aamminsan yihiin in maalmihii ugu wanagsanaa ee Ameerika “iminka laga soo gudbey” oo waqtigoodii soo qaateen, marka la barbar dhigo 31% oo weli rajaynaya “beri-samaad kale.”

Ra’yi ururintani waa sawirkii ugu dambeeyey ee qaybsanaanta sii kordhaysa ee siyaasadeed iyo dhaqameed ee nolosha Maraykanka.

Kala bar dadka Maraykanka ah ayaa sidoo kale aaminsan in uu jiri doono dagaal sokeeye oo dadka Maraykanja dhexmari doona inta ay nool yihiin iyo in dalku ka wareegi doono in uu noqdo dimuqraadiyad mar uun oo uu kali-talis isu rogi karo, sida ku cad ra’yi ururin kale oo ay horay u sameeyeen Yahoo/YouGov bishii Juun.

Hadalsame Media