Laba magaalo oo la sheegay inay kusoo badanayaan kooxo xambaarsan aragtiyo halis ku ah Diinta Islaamka (Daawo)

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2022 – Hal-abuur Yuusuf Shaacir ayaa sheegay inuu dagaal kula jiro kooxo xambaarsan aragtiyo halis ku ah diinta Islaamka oo sanadihii dambe kusoo badanaya Soomaalida.

Wuxuu Shaacir dadkaa ku sheegay qolyaha Calmaaniga, Mulxidiinta, Laga-roonayaasha iyo Maansooniyiinta (Illuminati), kuwaasoo uu sheegay inay bulshada kusoo kordhayaan.

Wuxuu xusay inay kooxahaasi kala yihiin; Burco iyo Laas Caanood oo ka kala tirsan gobollada deriska ah ee Togdheer iyo Sool, balse ma uusan sheegin sida uu ku gaarey go’aankaasi, marka laga reebo inay ”qolyo baareen.”

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media