FARQI MUUQDA: Kenya oo laba qaab oo kala geddisan u kala qaabishey Somalia & Guinea-Bissau + Sawirro

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2022 – Sawirkan waa Madaxwaynayaasha Kenya iyo Guinea-Bissau, Uhuru Kenyatta iyo Umaro Sissoco oo shalay kala saxiixday heshiis laba geesood ah.

Labada Madaxwayne ayaa kor taagan ishana ku haya Wasaaradihii shaqadaa lahaa ee labada waddan oo saxiixaya heshiiskan taariikhiga ah.

Soomaaliya iyo Kenyana waxay isla shalay kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah, su’aashu waxay tahay maxaa kala duway labada hannaan ee ay heshiisyada u kala saxiixeen Soomaaliya iyo Guinea-Bissau?

Yaa haya sawir u dhigma sawirka Sissoco iyo Uhuru oo kale markay heshiiska Bilateralka ah kala saxiixanayeen?

Aawayse Wasaaradihii Soomaaliya ee Beeraha, Ganacsiga, Arrimaha Dibadda iyo Kalluunka iyo Kheyraadka Badda?

Halkan ka arag sheekada iyo sawirrada Guinea oo loo qaabiley si gebi ahaanba ka duwan Somalia, iyagoo shir caadi ah lala yeeshay kaddibna heshiiska loo saxiixay qaab toos ah oo waafaqsan nidaamyada caalamiga ah.

W; Q: Yaxye Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media