(Hadalsame) 16 Luulyo 2022 – ANNAGA IYO QAADKA – Waxay ila tahay in la gaaray xilligii laga fekeri lahaa in qaat-ka aan beeranno, si aan lacagta malaayiinta ah ee nooga baxda aan dalka gudihiisa ugu ceshanno.
Sida muuqata, Soomaali iyo qaat isma deyn doonaan. Sidaas darteed intii aan lacag adag ku soo dhoofsan laheyn, waxaa ka roon in aan gacmaheenna uga ciil baxno.
Culmiga beeruhu wuxuu gaaray in dalagyo badan lugu beeri karo dhul aysan hore uga bixi jirin, waana macquul in qaatka la deegaameyn karo, haddii aqoon iyo maalgalin ku filan la isku daro.
Kama hadlayo waxa qaatku yahay diin ahaan iyo caafimaad ahaan midna, ee waxaan ka hadlayaa maxaa u roon jeebka dadkeena qaadka cuna iyo kuwa ka ganacsada, kol haddii lacagi naga baxeyso.
W; Q: Cali Xalane
Hadalsame Media