Dal aad u qaabilayey qaxootiga oo sheegay inuusan haynin meel dambe oo uu dad dejiyo + Sawirro

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2022 – Dalka Ireland ayaa sheegay inaysan haynin meel kale oo ay ku martigeliyaan qaxootiga Ukraine, kuwa imaanaya maalmaha soo socdana waxay wajahayaan in lagu xayiro Garoonka Dublin.

Warbixin kooban oo ay dowladdu siisay NGO-yada, Waaxda Carruurtu waxay ku dhawaaqday in Citywest Hotel oo ku yaal Dublin – oo dhowaan loo diyaariyey sidii hoy KMG ah looga dhigi lahaa magangalyo-doonku – uu gaaray xadkiisii.

Dalkan ayaa qaatay in ka badan 40,000 oo Yukreeniyaan ah tan iyo bishii Febraayo, ilaa dhowaanna dowladdu waxay ku adkaysanaysey in xaddididda qulqulku uu yahay mid aan doodda ugu jirin.

Yeelkeede, haddii aan la helin tas-hiilaadyo kale, dadka cusub ayaa laga yaabaa in lagu khasbo inay seexdaan garoonka, NGO-yada ayaa sidaa loo sheegay. Ilaa 250 qof ayaa ku hoyday terminaal duug ah habeenimadii Arbacadii, sida ay sheegeen dhowr warbaahin oo Irish ah.

Ra’iisal Wasaare Micheal Martin ayaa la kulmay wasiiradiisa si uu ugala hadlo xaaladda, sida afhayeen u hadlay dowladdu uu u sheegtay Irish Times. Shir jaraa’id oo uu qabtay subaxnimadii Khamiistii, Martin wuxuu shaaca ka qaaday in 70% dadka ku sugan xarunta Citywest aysan ahayn Ukraine, laakiin ay yihiin magangelyo-doon ka yimid dalal kale.

Laga bilaabo Isniintii, 40,678 qof ayaa ka soo galay Ireland oo ka yimid Ukraine tan iyo markii uu billowday howlgalka millateri ee Ruushku 24-kii Febraayo, kuwaasoo ay ku jiraan 1,454 yimid usbuucii hore oo qura.

Hadalsame Media