(Hadalsame) 13 Luulyo 2022 – Cid saxsan malahan sidda ay ila tahay.
Gudoomiye Sacdiyo meesha waxaa ka jira maamul ayadoo la tix galinayo wadda shaqaynta isku madaxweynan waxay hayd gargaarka in lagu wareejiyo wasaaradda gargaar PL, sabab Guddoomiye gobol iyo odayaal aan shaqo ku lahayn loola xiriiro ma jirin.
Gudoomiye Sacdiyo mastawaheedu waa igala sarreeyaa aniga maalinba inay diyaarad caawimo ah raacdo shaqadaas masuulinyiinta ka hooseeysa inay u xil saarto ayay ahayd ayada waxaa laga rabay inay isku xirto hay’adaha ku shaqada leh heer Federaal iyo heer Maamul-gobaleed.
Marka la jooga wadda shaqeynta hay’adaha FGS iyo FMS waxay kuwada shaqayn karaan isla ogal la isku tixgaliyo shaqada.
Hadda kahor annagoo Balacad shaqo u aadayna oo noo jirta 30km baan waxaan diyaarad u raacay Jowhar 90km jirta si aan ogalaansho ugu helno Cali Guudlaawe nooguna xiro Maamulka Gobalka iyo midka degmada si shaqadu u noqoto mid la isla ogal yahay waana guulaystey mashruucaas hadda.
Hannaanka Federaalka iyo awoodaha aan wali lagu heshiin waxa kaliya loogu caana-maali karo waa isla tashi iyo isla guddoomin, walow aysan meesha ku jirin musaafurin iyo sooma degi kartid.
Puntland marna kuma saxsana Gudoomiye Sacdiyo diyaarad ay saaran tahay in loo diido inay dagto waana masuuliyad daro iyo ixtiraam la’aan qofka ugu sareeya Puntland ku matala DFS, waxaa ayadana aan sax ahayn go’aan ka soobaxay maamula Puntland sax iyo khlad waxuu yahayba inay ka hor imaadaan kooxa aan maamulka qeyb ka ahayn Boosaaso hal maamul ka taliya waana mid Saciid Deni Madaxweynaha u yahay kaas dadku doorteen go’aamadiisa sax miyaa mise waa khalad waa dood kale balse marna kama jiri karaan puntland maamul kale oo aan ahayn mid Saciid Deni inta lagu jira mudo xileedkaan.
Faroole iyo Gaas waraaqda ay soo saareen kama muuqato inay dhex dhexaad ka yihiin dhacdadii waxayna masuuliyada khaladka dusha ka saareen Gudoomiye Sacdiyo kaliya mana ahan dhexdhaxaad sax ah oo Gudoomiyaha khaladka iyo masuulid darada waa kala wadaagaa.
Waxaa wax laga xishooda ah Senator Faroole gabadha intuu dhiirigelin lahaa inuu yiraahdo Ku sime ma ay noqon karto waa hadal aan ku turjumayn Odaynimo iyo Puntlandnimo raali ahaansho guusha gabadha warkaasna odaygu raalligelin ha ka siiyo gabadha halkuu garab istaagi lahaa qofka ugu sareeya Pl ee ku matala DF ah inuu yiraahdo sidaas.
Waxaan jeclaan lahaa dadka reer Puntland inay kala fahmaan Saciid Deni iyo Puntland yaan caro iyo xanaaq loo qabo Saciid lagu dhaawacin hooyada federaalka oo ay 24 guuradeedii ka dhiman tahay 17 maalmood oo kaliya.
W; Q: Cabdinuur Wayrax
Hadalsame Media