(Hadalsame) 13 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha DF, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa berri kusii jeeda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasoo ay uga bilaabmayso booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadan doonta.
Safarka uu MW Somalia Nairobi ku tegayo ayaa bilow u noqon doona dib u soo noolaynta xiriirka aan sidaa u fiicnayn sanadihii dambe ee Soomaaliya iyo Kenya.
Xilli uu xiriirka labada dal gaarey heer hoos loo dhigo maqaamka diblomaasiyadeed oo safaaradaha lakala qaato, gaar ahaan intii uu xilka hayey Madaxwaynihii hore ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Waxaa laga hadli doonaa waxyaabo taaban doona xiriirka labada dal, iyadoo ay Kenya wadato dhowr ajende sida furitaanka Jaadka, badda ay sheeganayso IWM, balse lama oga dhanka Somalia.
Safarkan ayaa dhanka kale noqonaya kii afraad ee uu dibedda ku tago Xasan Sheekh tan iyo markii Madaxwaynaha loo doortay 15 Maajo.
Madaxwaynaha ayaa waxaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safarro dibedda ah ku qaatay.
Hadalsame Media