(Hadalsame) 13 Luulyo 2022 – Maraykanka ayaa Markab DAGAAL u soo diray woqooyiga Badda Koonfurta Shiinaha oo u dhow Jasiiradda lagu muransan yahay ee Paracel, tallaabadaas oo uu Shiinuhu ku cambaareeyay.
Markabka USS Benfold ayaa wuxuu maray meel u dhow jasiirado dhowr ah oo ay haystaan Shiinuhu islamarkaana ay sheeganayaan dalal badan, wax uu Maraykanku ku sheego “xornimada ku shiraacashada badda” marka la eego sharciga caalamiga ah ee ka yaalla biyaha muransan yahay.
“Unlawful and sweeping maritime claims in the South China Sea pose a serious threat to the freedom of the seas, including the freedoms of navigation and overflight, free trade and unimpeded commerce, and freedom of economic opportunity for South China Sea littoral nations,” the US 7th Fleet said in a statement on Wednesday.
“Sida sharci-darrada ah iyo sheegashooyinka badeed ee Badda Koonfurta Shiinuhu waxay khatar wayn ku yihiin xorriyadda badaha, oo ay ku jiraan xorriyadda socodka iyo duullimaadka, ganacsiga xorta ah iyo isu socodkiisa, iyo xorriyadda fursadaha dhaqaale ee dalalka dhacan Badda Koonfurta Shiinaha,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen Raxanta 7-aad ee Maraykanka, maanta.
Beijing, oo la wareegtey gacan ku haynta jasiiradaha Paracels’ Woody Island 1955-kii, waxay si caro leh uga jawaabtey joogitaanka Maraykanka. Jasiiradda Woody Island ayaa ah tan ugu caansan silsiladda jasiiradahan, waxaana Shiinuhu uu halkaas ka dhisay garoon diyaaradeed iyo xarumo kale.
“Luulyo 13, markabka burburiyaha ah ee sida gantaalaha la hago ee Maraykanka ee “Benfold” ayaa si sharci darro ah ugu xadgudbey biyaha Shiinaha ee Paracel iyada oo aan oggolaansho laga helin Dowladda Shiinaha,” ayuu yiri Tian Junli, oo ah Afhayeenka Taliska Ciidan ee Shiinaha oo bayaan soo saaray.
Tillaabadani “waxay si dhab ah u dhaawacday nabadda iyo xasilloonida Badda Koonfurta Shiinaha, waxayna si dhab ah u jebisey sharciga caalamiga ah iyo xeerarka xiriirka caalamiga ah.” ayuu raaciyey Tian, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Dalaka Vietnam, Taiwan, Malaysia, Brunei iyo Philippines ayaa iyaguna biyahan wada sheegta, iyadoo Manila ay Beijing ku dacwaysey Maxkamadda Hague 2013-kii, taasoo 3 sano kaddib xukuntay in Shiinuhu aanu wax xaq ah goobtaa ku lahayn, balse xooggooda ayay weli ku joogaan.

Hadalsame Media