Israel oo qiratay arrin arxandarro ah oo ay kula kacday Ciidanka Masar ee ay qabatay

0

(Hadalsame) 13 Luulyo 2022 – Isagoo ka hadlaya warka dhowaantan soo baxay ee kashifay in Israa’iil ay nolosha ku gubtey askar Masaari ah Dagaalkii 1967-kii, ayuu Dhaqdhaqaaqa Iska-caabinta Islaamiga ah ee Falastiin ee Xamaas uu sheegay “in dembigani uu muujinayo heerka ay gaarsiisan tahay argagixisada Israa’iil.”

War qoraal ah oo uu soo saaray Afhayeenka Xamaas, Hazem Qasem ayaa waxa uu ku yiri: “Baahinta dembiga Israel ee lagu gubey tobannaan askari oo Masaari ah iyagoo nool intii lagu jirey Dagaalkii gardarrada ahaa ee 1967-kii waxa ay daaha ka qaadaysaa heerka ay gaarsiisan tahay argagaxisada iyo silcinta Israa’iil oo ah hab-dhaqan ay Israa’iil u adeegsato dagaalladeeda oo dhan.”

“Ciidanka Gumaysiga Israa’iil iyo degaamaystayaasha Israa’iil ma aysan joojin dembiyadaas, iyagoo isticmaalaya hub caalamiyan mamnuuc ah, dil iyo gubid dadka rayidka ah sida ka dhacday Gaza iyo Daanta Galbeed; dambigii ugu dambeeyey ee noocan oo kale ihi wuxuu ahaa gubistii wiilkii Falastiiniga ahaa ee Mohammad Abu Khdeir.”

Afhayeenka Xamaas ayaa ku nuuxnuuxsaday: “Gardarradan iyo argagixisanimadani [waxay tusinaysaa]… caqli-xumada isku dayga ah qabsashada gobolka iyadoo arxandarro la adeegsanayo.”

Jimcihii, wargayska Haaretz ee Israa’iil iyo weriyaha caanka ah ee Israa’iil Yossi Melman ayaa daaha ka qaaday xogta ku saabsan dembiga Israa’iil ee ah in ay gubeen askar Masaari ah oo nool meel u dhow magaalada Qudus, kuwaas oo lagu aasay xabaal wadareed aan la aqoonsanayn intii uu socday dagaalkii 1967-kii.

Hadalsame Media