Howlwadeen caafimaad oo dumarka uu suuxiyo kufsan jirey oo xabsi halis ah lagu xirey + Sawirro

0

(Hadalsame) 13 Luulyo 2022 – Suuxiye u dhashay dalka Brazil ayaa lagu eedeeyey inuu kufsaday haweeney suuxsan xilli lagu guda jirey qaybta C-section ee lagu fuliyo qalliinada ubadka loogu dhaliyo qaabka macmalka ah, waxaana laga cabsi qabaa in uu gaystay shan weerar oo la mid ah.

Giovanni Quintella Bezerra, oo 32 jir ah, ayaa lagu xiray Rio de Janeiro bishan Luulyo 10-keedii kaddib markii kalkaaliyayaashu ay ka shakiyeen dhaqankiisa intii lagu jirey laba qalliin oo C-section ah waxa ayna si qarsoodi ah u duubeen qalliinkii 3-aad – markaasoo ay sheegeen inay arkeen isaga oo kufsanaya bukaanka.

Booliiska, oo horey u baarayey in labadii bukaan ee ugu horreeyey la weeraray iyo in kale, ayaa hadda sheegay in saddex kale oo dumar ah oo halkaa lagu daweeynayey maalmo kala duwan ay soo baxeen oo ay ku eedeeynayaan inuu ku xadgudbey – taasoo wadarta guud ka dhigeysa ugu yaraan lix.

Bezerra ayaa markii ugu horreeysey kasoo muuqday maxkamada Talaadadii shalay, halkaas oo uu garsooruhu uu ku xukumay xabsi aan xad lahayn oo kaligii meel gaar ah lagu haynayo inta kiiska laga baarayo.

Waxa lagu geeyey xabsiga Bangu – oo ah xabsiga ugu wayn Brazil oo ku yaalla galbeedka magaalada Rio oo ay ku jiraan qaar ka mid ah maxaabiista ugu khatarta badan dalkaasi, islamarkaana wuxuu caan ku yahay rabshadaha – halkaas oo ay maxaabiistu ku orrinayeen oo ay gidaarrada garaacayeen markii lasoo gelinayey.

Jeelkan oo ay xukumaan gaangiska Commanda Vermelha, ayaa lagu xiraa dadka halista ah sida khamarjiyaasha, dilayaasha la ijaarto, madaxda kaarteellada, dadka dilka ku eedaysan iwm, iyadoo daroogo lagu dhex isticmaalo rabshado halkaa ka dhacayna ay 30 qofi ku dhinteen 2004.

Hadalsame Media