Ruushka oo Ukraine u sheegay hal arrin oo haddii ay yeelaan uu dagaalka markiiba joojinayo

0

(Hadalsame) 29 Juun 2022Haddii Kiev ay ku amarto ciidamadeeda inay hubka dhigaan oo ay fuliso dalabaadka Moscow, dhammaan colaadda Ruushka iyo Ukraine waxay dhammaan kartaa dhammaadka isla maalintaas, ayuu ballanqaaday Afhayeenka Kremlin-ka ee Dmitry Peskov oo la hadlay saxafiyiinta Talaadadii.

“Dalabaadyada Ruushka waa in la aqbalaa. Waana inay ku jiraan amar ku saabsan in guutooyinka waddaniga ah ee Ukraine ay hubka dhigaan. ayuu soo jeediyey, isagoo tixraacaya hadal uu dhowaan sheegay MW Ukraine ee Volodymyr Zelensky oo ahaa in dagaalka la joojiyo kahor inta aanu bilaabanin jiilaalka soo aaddan.

Peskov wuxuu xusay in “wax walba oo kale ay yihiin kaliya fikradaha Zelensky,” isagoo raaciyey in wax uu ku sheegay ”howlgalka gaarka ah” ee Ruushka ee Ukraine uu u socdo sidii loo qorsheeyey oo uu ku gaarayo yoolalkiisa.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa iyaduna sheegtay Isniintii in Zelensky, oo la hadlayey hoggaamiyayaasha G7 isaga oo adeegsanaya qaabka muuqaalka ah, uu ku adkaystay in khilaafka u dhexeeya Moscow iyo Kiev ay tahay in la xalliyo dhammaadka sanadkan kahor inta aanay xaaladaha adag ee jiilaalku aysan ku adkayn Ciidamada Ukraine inay la dagaallamaan oo wajahaan Ciidamada Ruushka.

Sida laga soo xigtey Wakaaladda, waxa uu ku boorriyey wadamada G7 in ay siiyaan Ukraine hub badan islamarkaana ay cunaqabataynno kale oo ka adag kusoo rogaan Moscow.

Hadalsame Media