Dhibaato ay Poland ku hayso saadka gelaya ama ka baxaya Ukraine oo lasoo ogaadey (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Juun 2022 – Weriye lagu magacaabo John Leicester ayaa muuqaal kasoo qabtay saf dheer oo ay ku jiraan gaadiidka ka gudbaya xadka Poland ee ka imanaya ama xitaa u socda dalka Ukraine oo uu silac wayni ka jiro.

Saf dheer oo ka samaysmay gaadiidka xamuulka ah ee u socda xadka dalka Ukraine uu la wadaago Poland ayaa lagu qiyaasay mid taxan ugu yaraan 6 kiiloomitir. Safka u socda dhanka kale, ee ka tegaya Poland ee gelaya Ukraine, ayaa xitaa kasii dheer, sida uu sheegay weriyuhu.

Arrintan ayaa weliba waxaa sii xumaynaysa xaqiiqada ah in dekedaha dalka Ukraine aan la adeegsan karin haatan dagaalka halkaa ka qiiqaya dartiis, sidaa darteed, waxaa Poland laga filayey inay fududayso isu socodka saadka gelaya ama ka baxa Ukraine.

Ukraine ayaa tusaale ahaan xabuubka ay soo saarto oo gaadiid ku rasaysan waxay haatan marsiisaa dalka Poland, maadaama laga xirey dekedihii Badda Madow iyo Badd Azov qaarna ay iyagu miineeyeen si aan Ruushku u qabsan.

Arrintan ayaa qayb ahaan lagu sheegay shaqaale kastam oo ku filan qaabilidda gaadiidkan oo aysan lahayn Poland.

Hadalsame Media