”Waxaa laga koobiyeeyey Oval Office” – Dood durba ka bilaabatay guriga uu Farmaajo xalay fadhiyey

0

(Muqdisho) 23 Juun 2022 – RW Xamsa Barre Cabdi oo magacaaban balse aan weli Baarlamanka la horgaynin ayaa xalay Muqdisho kulan kula qaatay MW hore ee Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

”Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo caawa i soo booqday waxaan ugu hambalyeeyey xilka loo magacaabay, aniga oo Alle uga rajeeynaya in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka horyaalla,” ayuu yiri MW hore.

”Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladdooda, si loo sii amba-qaado dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.” ayuu daba dhigay.

MW hore ee Farmaajo oo markii ugu horreeysey dadwaynaha kasoo hor muuqday tan iyo markii uu xilka wareejiyey, ayaa RW magacaaban ku qaabiley guri aad u sharraxan oo qaab madaxtooyo leh.

Waxaa haddaba durba baraha bulshada ka bilowday doodo ku saabsan sababta lacag guri loogu dhiso loogu yaboohinayo qof aanay guri la’aani haynin ama ugu yaraan heli kara lacag uu guri noocan ah ku dego.

Mid baa soo qoray: ”Farmaajo waa guri la’aan ayay lahaayeen gurigan ayuuna deggan yahay.”

Mid kalaa yiri: ”Wuxuu dhistay guri laga koobiyeeyey Oval Office-ka Aqalka Cad, markii horena Madaxtooyada ayaanba moodey.”

Mid kale oo Farmaajo taageersan baa yiri: ”Ma ammaan baad ka wadda mise?”

Qof kale ayaa soo qoray: ”Aniguba waan jeclahay inaad dego xaafadaha ladan ee Muqdisho.”

Hadalsame Media