(Abuu Dabeey) 22 Juun 2022 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxwaynaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane Sheekh Maxamed Binu Saayid.
“Kulanka labada Madaxwayne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.
Haddaba, ka bogo waxa la isku af-gartay oo qodobaysan, kuwaasoo uu warbaahinta u aqriyey Afhayeenka Madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar.
1 – In 20m oo Doollar oo DF la marinayo ay Imaaraadku ugu deeqeen abaaraha Somalia.
2 – In muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo Dal-ku-galka Imaaraadka.
3 – In toos loo bilaabo duullimaadyadii tooska ahaa ee dayuuradaha Imaaraadku ay ku tegayeen Somalia.
4 – Waxaa dib u howlgeli doona isbitaalkii Sheekh Zaayid oo ay Imaaraadku xireen markii ay is qabteen Xukuumaddii hore.
5 – Wefdi Imaaraadka ka socda oo heer sare ah ayaa Somalia booqan doona, lamase sheegin ujeedka socdaalkooda.
Labada dal ayaa sidoo kale yeelan doona guddi isku dhaf ah oo kasoo shaqeeya arrimahan. Lagama hadlin sida uu Imaaraadku u arko midnimada dhuleed ee Somalia oo uu sanadihii dambe faragelin ba’an ku hayey.
Si kastaba, xiritaanka isbitaalka ayaa muujinaysa in Imaaraadku uusan xeerin shacabka Soomaaliyeed xitaa haddii ay nidaamka is qabteen, sidoo kale, 20m waa lacag aad u yar marka la eego baahida jirta iyo awoodda dhaqaale ee Imaaraadka.
Hadalsame Media