Xulka Somalia oo ka qaybgelaya Koobka Futsal-ka Carabta oo galabta dheelaya kulankii 1-aad (Tafaasiil)

0

(Dammaam) 20 Juun 2022 – Dalka Sacuudiga Carbeed ayaa martigelinaya koobkii lixaad ee Tartanka Futsal Cup ee Carabta 2022, kaasoo maanta ka furmaya magaalada Dammaam ee dalkaasi, isagoo socon doona Juun 20-28.

Waxaa tartankan ka qaybgelaya 10 xul oo uu dalkeennu ka mid yahay kuwaas oo kala ah: Morocco, “koobka haysata”, Masar, Kuwait, Algeria, Iraq, Falastiin, Mauritania, Soomaaliya, Liibiya, marka laga soo tago Sacuudi Carabiya, martigeliyaha.

Dalkeenna Somalia ayaa ku jira guruubka qura ee 4 xul ka kooban, halka labada guruub ee kale ay min 3 dal ku jiraan.

Somalia ayaa ku guruub ah dalalka Marooko, Muritaaniya iyo Kuwayt, waxayna kulanka 1-aad galabta saacaddu marka ay tahay 16:30 la ciyaaraysaa xulka Muritaaniya.

Hadalsame Media