Dadka la siiyo sharciga KMG ah ee deganaanshaha Sweden oo la qiray inay dhibaato haysato

0

(Hadalsame) 20 Juun 2022 – Sweden ayaa sanadihii dambe aad u adkaysay sifooyinkii lagu heli jirey iqaamada deganaanshaha Sweden oo markii hore aad uga sahlanaa sida haatan.

Tusaale, Sweden ayaa bilowday inay dadka siiso deganaansho KMG ah, iyadoo qofkii doonaya inuu helo rukhad rigli ah ku xujeeynaysa inuu soo helo shaqo toos ah.

Ha yeeshee, marka ay timaado dadkii helay sharciga deganaanshaha ku meel gaarka ah (tillfälligt uppehållstillstånd) tan iyo 2016-kii, 20-kii qof ee dadkaa ka mid ah mid qura ayaa awoodey inuu sharcigaas u beddelo mid joogto ah (permanent uppehållstillstånd) isagoo buuxinaya shuruudaha shaqada ee lagu helayo sharcigaasi.

Nin la siiyey magaca Cumar oo bartay Maamulka Hoteellada, balse haatan suxuun-dhaqe ku shaqeeya, ayaa Ekot u sheegay inuu halgan ugu jiray muddo afar sano ah sidii uu u heli lahaa shaqo joogto ah.

Helitaanka shaqo iyada oo aan waxba lagu biirinaynin loo-shaqeeyaha oo aanu tusaale ahaan kabaynin Arbetsförmedlingen ayuu ku sheegay dhibaato haysata dad badan.

“Waxa la caddeeyey inay shaqo helistu qaadanayso waqti dheer,” ayuu yiri Peter Toursie, oo ah borofasoor dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Stockholm.

Arrintan ayaa ka dhigan in Waaxda Socdaalka ee Migrationsverket ay dadka u dirayso dalab ku adag dadka ajnabiga ah, iyadoo ay shaqooyinkii yaallaan balse ay adag tahay qaabka lagu heli karo.

Hadalsame Media