Ruushka oo sheegtay inuu goob qura ku laayey jeneraalladii ugu badnaa ee Ukraine ah (Jab kale oo jira)

0

(Hadalsame) 19 Juun 2022 – Maraakiibta dagaalka ayaa burburiyey xarun ay ku sugnaayeen taliska Ciidanka Ukraine oo lala helay gantaalaha loo yaqaano Kalibr Cruise, iyagoo diley daraasiin saraakiisha Ukraine ah, sida ay sheegatay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka maanta oo Axad ah.

“In ka badan 50 jeneraal iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine ayaa la dilay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Duqayntan ayaa ka dhacday agagaarka tuulada Shirokaya Dacha ee gobolka Dnepropetrovsk.

Waxaa ayna ku dhacday xarun ay ku shirsanaayeen taliyayaasha qaybo badan oo Yukreeniyaan ah, sida ay tiri Moscow.

Wasaaraddu waxa ay intaa ku dartay in gantaalaha Kalibr ay sidoo kale burburiyeen ilaa ugu yaraan 10 howsar oo ah kuwa culus ee M777 ah iyo ilaa 20 baabuur oo kuwa gaashaaman ah oo dhowaan ay ku deeqeen reer galbeedku, kuwaas oo lagu kaydiyey dhismo wershadeed oo ku taal koonfurta magaalada Nikolayev.

Hadalsame Media