(Kyiv) 13 Juun 2022 – Wasaaradda Difaaca ee Ukraine ayaa Sabtidii baraha bulshada soo dhigtay soo dhigtay sawirka Boqoradda Boqortooyada Britain, Queen Elizabeth II, oo shiishayaa gantaal-yaraha garbaha laga rido ee lidka taangiyada ee NLAW.
Sawirka ayaa ah kii ugu dambeeyey ee baraha bulshada muran ka dhaliyay ee ka yimaada dhanka Dowladda Kiev.
Sawirka, ayaa muujinaya boqoradda oo la sawiray iyadoo liishaamaysa mid ka mid ah gantaal-ridaha lagu sameeyo Ingiriiska oo hal garab u saaran, iyadoo dhanka kale ay ka muuqato Astaanta Qaranka Ukraine oo ku xardhan cududdeeda kale.
“Ilaah ha barakeeyo boqoradda, Ukraine iyo aduunka oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka sawirka kore oo ay faafisay WG.
Britain ayaa kumannaan gantaalada riddada dhow ee NLAW oo mar qura la isticmaalayo (one-time use) ugu deeqday Ukraine, waxaana hubkaas aad loogu faafiyey dacaayadaha Ingiriiska iyo Ukraine.
Meelaha qaar ayaa lagu sheegay in ay askarta Ukraine “Boqoradda amaanaan marka ay gantaalkan ridayaan, sida uu sheegay siyaasi British ah, balse in qoriga iyada loo dhiibo ayay dadka qaar ku tilmaameen in xoogaa qiyamkeeda la duray.
God bless the Queen, Ukraine and the whole world. pic.twitter.com/bTD0HhN02R
— Defence of Ukraine (@DefenceU) June 11, 2022