(Hadalsame) 13 Juun 2022 – Finland ayaa sheegtay inaysan ku biiri doonin Isbahaysiga NATO ee uu Maraykanku hoggaamiyo Sweden la’aanteed, sida uu yiri Madaxwaynaha Finland Sauli Niinisto. Mas’uulkan ayaa hadalkan sheegay mar ay Axadii shalay ay si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabteen magaalada Helsinki xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg.
“Waxaan leeyahay kiiska Sweden waa keenna oo kale. Taasi waxay la macno tahay in aanu horay u soconayno annagoo gacmaha is haysanna,” ayuu yiri Niinisto.
Madaxa NATO, ayaa dhankiisa ka dhawaajiyey in isbahaysigu uusan soo rogin waqti kama dambays ah oo lagu aqbalayo dalabaadka Finland iyo Sweden, laakiin uu doonayo inuu meesha ka saaro farqiga u dhexeeya iyaga iyo Turkiga ”sida ugu dhaqsaha badan.”
Stoltenberg ayaa ku adkaystay in shirwaynaha soo socda ee Gaashaanbuurta NATO, oo la qorsheeyey inuu dabayaaqada bishan Juun ka dhaco Madrid, aan waligiis loo arkin waqti kama dambayn ah oo lagu aqbalayo ama lagu diidayo labadan dal ee reer woqooyiga Yurub.
“Kulanka Madrid marna ma aha waqti kama dambayn ah oo la idiin qabtay. Sidaa darteed, waxaan si adag ula shaqaynaynaa dalka aannu xulufada ah nahay ee Turkiga, iyo sidoo kale Finland iyo Sweden, si aan wax uga qabanno arrimaha Turkiga uu soo hadal qaaday.” ayuu yiri Stoltenberg.
Turkiga ayaa labadan dal ku haysta inay taageeraan kooxaha gooni-goosadka ah ee Kurdish-ka ah ee YPG & PKK, iyagoo weliba soo bandhigay hub ay Sweden soo saarto iyo agab kale oo ay ka qabsadeen.
Sweden ayaase dafirtay, iyadoo labadan dal aysan weli aad ugu dedaalaynin la xaajoodka Turkiga oo ay mar qura wefdi u direen.
Dadka qaar ayaana taa ku micneeyey in dowladaha Sweden iyo Finland ay dareensan yihiin halista uga iman karta ku biirista NATO, balse aysan doonaynin in sidoo kale ay lumiyaan codadka dadka faraha badan ee dalalkan u dhashay oo haatan doonaya in lagu biiro NATO (ra’yul caamka), sidaa darteed, arrinta Turkigu waxay u tahay marmarsiinyo fiican.
Hadalsame Media