MW Xasan Sheekh oo la kulmay madaxii ugu sarreeyey ee reer Galbeed ah + Sawirro

0

(Muqdiaho) 12 Juun 2022 – MW DF Somalia, Xasan Sh Maxamuud ayaa la kulmay diblomaasigii ugu heer sarreeyey ee reer Galbeed ah tan iyo markii xilka loo dhaariyey 15-kii Maajo.

MW Xasan Sheekh ayaa Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabiley Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga ee Luigu Di Maio.

War kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen taageerada joogtada ah ee Talyaanigu siiyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo la isla gartay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal ee Somalia iyo Talyaaniga si loo adkeeyo xasiloonida & horumarka Somalia.

 

Hadalsame Media