Siyaasi dood ka keenay su’aal milyan doollar ah oo uusan ka jawaabin Fahad Yaasiin

0

(Hadalsame) 10 Juun 2022 – Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee NISA, ayaa waraysi aanu xog sidaa u ridan ku bixin dhiibey, kaasoo ay dad badani saluugeen qaabka uu u dhacay.

Siyaasiga Max’ed Cabdi Awaare ayaa ka mid ah dadka saluusan waraysiga isagoo si kaftan ah u rajeeyey in xogaha qaar ka mid ah la maqli doono qaybaha dambe.

Cadeymaha kaamirada CCTV-gu, waxaan ognahay in gabar aan waxba galabsan uu gaari NISA leedahay kasoo qaaday gurigeeda oo ku dhex jiray xayndaabka NISA, iyadoo ay dhammaan xoguhu qireen in la geeyey Xarunta NISA, oo u jirta wax ka yar hal mayl,” ayuu ku bilaabay Waare.

“Sida ay gacanta Al Shabaab ugu dhacday oo ay ugu dambaysey Jilib oo 370 Km u jirta (meesha ay joogtey) lama sharraxin, malaha wax ka badan baa harsan oo soo socda.” Ayuu raaciyey.

 

Hadalsame Media