Turkiga oo gantaallo cusub oo cir-ka-cir ah u diyaariyey daroonka cusub ee Akinci + Sawirro

0

(Ankara) 07 Juun 2022 Machadka Cilmi-baarista iyo Horumarinta Wershadaha Difaaca (SAGE) ee Golaha Cilmi-baarista Sayniska iyo Tignoolajiyada ee Turkiga (TÜBITAK) ayaa la shaqeynaya koox soo saartay gantaalo cir-ka-cir ah oo ay adeegsan karaan daroonnada cusub ee Turkiga ee Akıncı.

“Waxaa jiri kara madllo kale mustaqbalka, shaqadu way sii soconaysaa,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Gürcan Okumuş oo la hadlay wakaaladda Anadolu Agency (AA) intii lagu jirey carwada tiknolojiyadda iyo iqtiraaca ee MMG-EURITECH oo ka dhacday Dooxada IT-ga ee degmada woqooyi-galbeed ee Gebze, gobolka Kocaeli.

Okumuş ayaa tilmaamay in gantaalaha cir-ka-cirku ay yihiin kuwo aad muhiim u ah oo lagu sheego “Seefta” diyaaradaha. Waxa kale oo uu xusay in gantaalkan oo la yiraahdo Bozok, ay gudaha dalkooda ku horumariyaan ay tahay guul kale oo dheeraad ah.

Turkiga ayaa durba horay u bilaabay soo saarista tiro badan oo ah gantaalo casri kale oo loogu talagalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs).

Midkan ay soo saartay TÜBİTAK SAGE ee Bozok oo ah nooca laysarka lagu hago ayaa waxa uu maray tijaabooyin badan oo guulaystey oo dab-rid ah. Waxaa lagu wada tijaabiyey dayuuradaha Bayraktar TB2 iyo Akinci, oo ay wada dhisto shirkadda Baykar Makina.

Hadalsame Media