(Hadalsame) 08 Juun 2022 – Madaxa Midowga Afrika (AU), Macky Sall, oo sidoo kale ah MW Senegal ayaa dhowaan la kulmay MW Ruushka ee Vladimir Putin oo uu u sheegay in “qaaraddu ay dhibbane u noqotay dagaalka” ka soconaya Ukraine.
Kulankan ayaa Jimcihii dhowaa Putin iyo Sall, oo uu sidoo kale wehlinayey Gudodonka AU ee Moussa Faki Mahamat, waxay ku kulmeen magaalada Sochi ee koonfurta Ruushka.
Waxay madaxda Afrika ku baaqeen in la qaado qaar badan oo ka mid ah cunaqabataynta la saaray dalka Ruushka iyagoo xusay in Putin “uu ka aqbalay inuu debciyo xannibaadaha dhoofinta xabuubka iyo agabka bacriminta beeraha Ukraine oo isagu go’doomiyey iyo midda dalkiisa Ruushka oo la cunaqabateeyey.”
Ha yeeshee, dadku waxay dood ka dhaliyeen sida uu Putin u kala qaabiley madaxda Afrika iyo kuwa reer Galbeedka oo aad u kala duwan, isagoo kuwa Afrika ag fariistay, halka uu madaxda Galbeedka iska fogeeyey oo uu fariisiyey kursi aysan is dhinac fadhiyin balse ay fool ka fool iskaga soo horjeedaan, sidoo kalena ay aad u kala fog yihiin.
Dadka qaar ayaa arrintan xushmad ku tilmaamay iyo inuu Afrika qiimayn dheeraad ah u muujinayo, halka ay qaar kale ayba quursi iyo inuusan Afrika waxba wayn u arkayn kasoo qaadeen, balse waxaa xooggan dadka xushmadda ku fasiray.
Le Président #Poutine nous a exprimé sa disponibilité à faciliter l’exportation des céréales ukrainiennes.
La Russie est prête à assurer l’exportation de son blé et de son engrais.
J’appelle tous les partenaires à lever les sanctions sur le blé et l’engrais. pic.twitter.com/7PqVLNhqWD— Macky Sall (@Macky_Sall) June 3, 2022
Hadalsame Media