(Muqdisho) 07 Juun 2022 – Soomaaliya oo ka mid ah dalalka dunida haatan ugu faqrisan ayaa waxaa misna dhib ka haystaa sicirro aan waaqici ahayn oo la saaro adeegyada iyo badeecooyinka.
Tusaale, Somalia waa meelaha ugu qaalisan ee guri ama boos laga iibsado ama xitaa laga ijaarto meelaha qaar, taasoo aan waafaqsanayn tamarta iibsiga dadka (burchasing power).
Haatan waxaa mar qura la dallacay qiimaha Xajka kaga baxaya qofka Soomaaliya kasoo xajinaya sanadkan oo laga dhigay ilaa $US 5230 oo Doollar, halka uu markii hore qiimuhu ka ahaa $US 3800 Doollar, waxaa ay taasi ka dhigan tahay in sanadkan lagu kordhiyey $US 1430 oo Doollar, waana koror ku dhow 30%.
Arrintan ayaa muujinaysa in nidaamka ka jira Soomaaliya uu kaliya ka fikirayo sidii lacag lagu samayn lahaa, balse aan laga fikirin danaha iyo adeegga ummadda (social welfare).
Hadalsame Media