Dad Soomaali badani ay ku jirto oo halis wayn laga badbaadiyey

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Markabka badbaadada ee Sea Watch 3 ayaa bada Mediterranean Ka soo badbaadiyay qaxooti ka yimid xeebaa wadanka Libya.

Qaxootiga la soo badbaadiyay bada ayaa tiradadooda lagu sheegay 310 qof oo u badan Soomaali, Sudan,Ithiopian iyo Eritrean.

Sidoo kale markabka Sea Watch ayaa maanta mar kale soo badbaadiyay 80 qof oo kale oo saarnaa dooni loox ka sameysan.

Sarkaal u hadlay maraakibta badbaadada ayaa sheegay in ay sugayaaan dhowr doomood oo kale oo ku soo jira bada.

Dhamaan dadka la soo badbaadiyay ayaa si nabad ah lagu geeyay xeebahq wadanka Talyaaniga.

W; D: Cabdiqani Cali Dalmar

Hadalsame Media