(New York) 04 Juun 2022 – Ergayga Joogtada ah ee Ruushka u fadhiga QM, Vassily Nebenzia, ayaa ka aamusay inuu u codeeyay qaraar qabyo ah oo ku saabsan cusboonaysiinta nidaamka kormeerka gaarka ah ee xeebaha Liibiya.
Ruushka ayaa dood ka qaba sida ay wax u wadaan Ciidamada EU oo horay u ahaa baloog dhaqaale, balse haatan badaha ay leeyihiin dalal lagu baabi’iyey dagaallo sokeeye qaab mugdi badani ku jiro uga howlgala.
Wuxuu Ruushku ku doodayaa in Ciidamada EU ee Howlgalka IRINI ee Libya aysan si daah-furan u shaqaynin oo ay leeyihiin hab isgaarsiineed oo ay kaligood ku wada hadlaan, wax xog-siin ahna aysan kusoo celin QM.
Waxaa kale oo ay sheegeen inaysan caddayn halka ay geeyaan hantida ay la wareegaan oo ay ku jiraan gaaska diyaaradaha iwm, sidoo kalena aysan hor istaagin hub fara badan oo sharci darro ku galay Libya islamarkaana ay dhanka baarista iyo istaajinta ku beegsadaan maraakiib gaar ah.
Dhanka kale, waxay sheegeen in Howlgalka IRINI uu u fashilmay sida midkii kasii horreeyey ee Howlgalkii SOPHIA oo aanu waxba dhaamin.
Meelaha ay EU-du ciidamada soo dhoobeen waxaa ka mid ah dalka aan badihiisa cidina ilaashan ee Somalia, halkaasoo ay caddaatay in dalal ka tirsan isla EU-du ay si tarab tarab ah uga jillaabtaan, sida ay sheegtay hay’adda Blue Marine Foundation.
Hadalsame Media