MW Xasan Sh oo ay tahay inuu soo farageliyo arrin ay wadaan Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka (Maxaa socda?)

0

(Muqdisho) 01 Juun 2022 – Waxaa 15-kii Maajo ee haamaansatey lasoo abyey doorashada madaxtinnimada Somalia oo uu markii 2-aad kusoo baxay MW Xasan Sh Max’uud, iyadoo loo madlan yahay dhismaha xukuumadda cusub.

Yeelkeede, waxaa jira arrimo mudan in durba farta lagu fiiqo si loo muujiyo inaysan ahayn camal fallo siyaasadeed oo cuddoon, waana isbarbaryaacii hore oo u muuqda mid dib usoo laabtay.

Nidaamkii ugu dambeeyey ee Farmaajo meelo badanba haka khaldanaadeene waxaa jira meelo ay mudan yihiin in looga daydo sida in DF Somalia ay hal af ku hadasho, waloow ay laftoodu markii dambe isku dhex yaaceen kaddib markii uu khilaafkii Farmaajo & Rooble uu ragaadey oo meel xun gaarey.

Waxaan ka hadlaynaa in DF ay u dhaqanto sidii hal hay’ad oo hal af ku hadasha hal wejina leh oo la joojiyo kulamada ay madaxda shisheeye la yeelanayaan dad aysan shaqadoodu ahayn inay la macaamilaan wakiillada iyo danjirayaasha qalaad.

Tusaale ahaan, waxaa si aad ah u soconaya kulamo ay Danjirayaasha deggan kunteerrada dhex yaalla Xerada Xalane ay la yeelanayaan Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka Md Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi, adigoo is waydiin kara baahida keenaysa in guddoon baarlaman uu la kulmo danjire qalaad? Maxay se ka geli karaan xiriir caalami ah iyo sida uu u shaqeeyo bikullil ixtiraam? Howshoodiise ma tahay? Meelaha ay Somalia ka hoogtey waxaa kow ka ah in aynaan lahayn xiriir dibadeed oo degsan, daraasadaysan oo dhinac iskugu duwan.

Dadka badan ee la socda sida hanka yar ee hoowtal hamagga ah ee ay madaxda Soomaalidu u dhaqmaan waxay ogyihiin in inta badan wakiillada shisheeye lagala hadlo dano gaar ah sida qof halkaa ii gee iyo waxaa i sii, taasoo marka laga soo tago inay tahay khiyaano qaran sidoo kale ceeb iyo bahdil ku ah dalka iyo danta Soomaaliyeed, sidoo kalena keenaysa in laga faa’iidaysto oo ay dalalkani dano gaar ah iyaguna Somalia uga fushadaan si aysan dan ugu jirin dadka haatan jooga iyo jiilka soo fooggan.

MW cusub ee Xasan Sh oo dabcan waayo arag u ah arrimahan oo kale muddo-xileedkiisii hore oo ay xitaa dhici jirtey in xildhibaanno qurbe joog ihi ay si gaar ah ula kulmaan Danjiraha dalka ay ka socdaan, taasoo ah xishood darro mas’uuliyadeed iyo meel ka dhac loo gaysanayo qarannimada Somalia, waloow uu sharciyan amar siin karin madaxda Baarlamanka misna waa inuu inuu arrimahan oo kale meel adag ka istaagaa una sheegaa inay xeerka dalka ixtiraamaan. Tan ugu darani waa haddii uu raalli ka noqdo.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media