(Hadalsame) 31 Maajo 2022 – Burburinta ay Ciidamada Ukraine gaarsiiyeen nidaamyada madaafiicda Ruushka iyo baabuurta gaashaaman ee ay u sababta noqotay daroonka Turkish-sameega ah ee Bayraktar TB2 ee aan duuliyaha lahayn (UCAVs) oo haatan macaamiil ka dhigtay “adduunkii oo dhan”, sida uu qabo naqshadeeyihii diyaaraddan.
Selçuk Bayraktar, oo maamula shirkaddan reer Istanbul ee Baykar Makina iyo walaalkiis Haluk, ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay muujiyeen sida tignolojiyaddu ay u beddelayso dagaalka casriga ah.
Sidan oo kale waxa uu daroonkani caan ka noqday hees waddani ah oo ay reer Ukraine kula jeesjeesaan Ciidamada Ruushka, oo uu halku-dhegeedu yahay “Bayraktar, Bayraktar.”
Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar ayaa sidoo kale waxa ay soo jiidatey dareenka Madaxwaynaha Ruushka, Vladimir Putin, waxaana Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ay magaceeda xustay ugu yaraan 45 jeer tan iyo markii uu dagaalku bilowday bishii Febraayo 24.
Baykar, oo uu 1980-aadkii aasaasay Bayraktar aabihiis, Özdemir Bayraktar, waxa ay bilowday inay diiradda saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn 2005-tii xilli uu Turkigu doonayey inuu xoojiyo wax soo saarkiisa maxalliga ah ee dhanka difaaca.
Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in baahida caalamiga ah ay aad u wayn tahay marka ay timaado rabitaanka TB2 iyo Akınci oo ah nooc kale oo cusub oo ay dhisto isla Bayraktar.
Waxa kale uu sheegay in Baykar Makina ay soo saari karto 200 oo TB2 ah oo aan duuliye lahayn sanadkii.
Hadalsame Media