ITALY VS ARGENTINA: Muuqaalka koobka Finalissima oo ay Arbacada ku tartamayaan oo lasoo bandhigay

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2022 – Koobka madiga ah ee 2022 Finalissima ayaa noqon doonta koob lagu bixinayo ciyaar dhexmaraysa xiriirrada CONMEBOL & UEFA oo ay kala metelayaan Talyaaniga & Argentina oo kala qaaday labada koob qaaradeed.

Labada xul ayaa Arbacada oo ay bisha Juun 1 tahay ku ballansan Gegada Wembley ee magaalada Lodon, si ay ugu hardamaan xulalka Talyaaniga oo ku guuleystay UEFA Euro 2020, iyo Argentina oo ku guuleystay Copa América 2021.

Haddaba, naqshadda iyo nooca uu u egyahay koobka ay ku hardamayaan labada xul ee Finalissima 2022 oo si ahaan meelaha qaar u qaab eg Koobka UEFA Super Cup.

Hadalsame Media