Shiinaha oo ku ceeboobey dhoollatus cudud muujin ahaa & cillada qabsatay (Daawo)

0

(Beijing) 29 Maajo 2022 – Shiinuhu wuxuu ku faanaa inuu haysto noocyo badan oo ah gaantaalaha fudud ee ATGM, kuwaasoo u kala baxa dhowr jaad oo ay ku jiraan kuwa la qaadi karo garbaha laga tuuro iyo qaar kale oo lagu xiro helikobterrada weerarka (AH), diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, baabuurta gaashaaman, iyo tiknikada kale ee dagaalka iwm.

Yeelkeede, gantaalkan ATGM oo badiyaa loo adeegsado in tawaangida lagu dilo islamarkaana ay ku qalabaysan yihiin qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Shiinaha ee PLA ayay ceebi ka raacday dhoollatus millateri oo ay Shiinuhu ka sameeyeen meel aan ka fogayn Marinka Taiwan si u shiiwiyo Maraykanka, sida ay faafisay GT.

Ceebta dhacday waxay tahay in gantaalkan oo markan laga soo ganay dayuurad weerar oo ah nooca qutaamiga u duula uu runtii ku dhacay bartilmaameed soconaya oo loo asteeyey, balse waloow uu shiishku toosay misna gantaalku halkii uu qarxi lahaa wuxuu u sarmay sidii kubad.

Hoos ka DAAWO….

Hadalsame Media