(Hadalsame) 29 Maajo 2022 – Turkiga ayaa weli la hardamaya xaaladda dalka deriska ah ee Suuriya oo marka laga soo tago qaxootiga ugu badan oo dalkaa uga yimid sidoo kale dhibaato ammaan ku qaba kooxo Kurdi ah oo gabbaad ka dhigta halkaasi.
Akraaddaa ayaa ka kooban YPG oo ah Kurdiga Suuriya iyo PKK oo ah Kurdiga Turkiga ka dagaallama, kuwaasoo ankara ugu wada suntan “argagixiso ahaan.”
Yeelkeede, waxaa la helayaa caddaymo ku saabsan in Ruushku uu ka daba shaqaynayo Turkiga oo uu hub iyo agab dagaal gaarsiiyey woqooyiga Suuriya, sida laga arki karo webabka diyaaradaha arka ee Israel.
“Jeer ay taagan tahay ku dhawaaqista Turkiga ee howlgalka millateri ee lagu abuurayo “marin ammaan” oo ku fadhiya dhul dhan 30km oo ah woqooyiga Suuriya si dib loogu celiyo 1 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah oo ka noqonaya Turkiga, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Qamishli soo gaarey ciidamo badan oo Ruush ah.” Ayuu soo qoray bogga Gerjon.
In light of Turkish declarations of a military operation to create a “security strip” at a depth of 30km in northern Syria to allow the return of 1 million Syrian refugees from Turkey to Syria, significant Russian reinforcements have arrived at the Qamishli airport. pic.twitter.com/8dZLWo6RJZ
— Israel-Alma (@Israel_Alma_org) May 29, 2022
Dayuuradahan ayaa ah kuwa xamuulka qaada ee gabowga ah ee uu Ruushku siiyey Suuriya ee Ilyushin Il-76T oo saanadda ka dejiyey garoonka Qamishli ee ku yaalla gobolka Kurdiga Suuriya.
Arrintan uu soo bandhigay Gerjon oo ah bog ay Israel leedahay oo dhaqdhaaqyada dayuuradaha la socda, ayaa kusoo beegmaysa xilli uu Turkigu hakiyey in diyaaradaha Ruushka ka imanaya ee Suuriya u socdaa ay hawadiisa adeegsadaan.
Şehitlerimiz, milletimiz ve ülkemizin güvenliği için mücadele, mücadele, mücadele!
Irak’ın kuzeyindeki Pençe-Kilit Operasyonu bölgesinde teröristlerin inlerini başlarına yıkan Türk Silahlı Kuvvetlerimiz bölgede 6 PKK’lı teröristi daha etkisiz hâle getirdi. #MSB pic.twitter.com/8CA6l2FQ1A
— T.C. Millî Savunma Bakanlığı (@tcsavunma) May 30, 2022
Ciidamada Turkiga ayaa horay u bilaabay dhowr howlgal oo ka dhacay woqooyiga Suuriya sida; Euphrates Shield 2016, Operation Olive Branch oo ahaa 2018, Operation Peace Spring oo ku beegnaa 2019, Operation Spring Shield oo ahaa 2020 iyo Operation Claw-Lock Operation oo haatan bilowday.
What date/time is that image? The left transport aircraft is most likely one of the three “Syrian Air” Ilyushins Il-76T (YK-ATA, YK-ATB, YK-ATD). pic.twitter.com/Lm2ZMQ7K6f
— Gerjon | חריון | غريون | ኼርዮን (@Gerjon_) May 29, 2022

Hadalsame Media