(Qaahira) 28 Maajo 2022 – Shacabka dalka Masar ayaa taageeray kana fal-celiyey gabadhii Soomaaliyeed ee dishey ninkii isku-dayey in uu kufsado, nin kaasi oo ahaa bajaajle.
Waa kuwan qaar ka mid ah fal-celinta shacabka Masar oo amaanaya Gabadhan Soomaaliyeed oo dadkeenna usoo jiiddey sharaf & karaamo:
Maxamed: “Aad baan u salaamayaa Gabadhaas Soomaaliyeed ee geesiyada ah ee difaacatay sharafkeeda ,Alla maxay tahay gabadh qiime leh, way ku faani doonaan gaggii la dhashay, waalidkeed”
Ruda: “Cadaaladdu ha noolaato, waxaan rajaynaynaa in golaha qaranka ee haweenka ay ka caawiyaan gabadhaas si ay uga gudubto xaaladda nafsaaniga ah, difaacida naftaadu waa calaamad sharafeed ee maaha dembi.”
Shalabi: “Gabadhaas waxaa dhalay awoowayaal sharaf leh, waxayna mudan tahay in gabdhaha oo dhan ay ku daydaan Gabadhaas ,Sida ka muuqata qoraalka Hay’adda Dembibaarista, waxay ahayd gabar dhawrsoon oo aan ceeb lahayn keligeed ayaana ninkaas hubaysanaa iska celisay iyadoo da’ yar,Waa sharafta heerkii ugu sarraysey “
Samara: “ Salaan iga guddoon gabaryahay, waalidkii ku barbaariyayna salaan ha iga guddoomaan,waxaan kaloo salaamayaa ragga dembi baarista ee hawshaan dhammaystiray.”
Abuhashim:”Gabadhan yari ayaa saldhigga booliiska soo gashay iyadoo gacanteeda ku sidata mindi dharkeedana uu dhiig ku wasakhaysan yahay,Waxayna booliska u sheegtay inay dishay nin darawal bajaaj ah,kaasoo isku dayey in uu xoog ku kufsado, waxayna sheegtay in aanay ku talo jirin in ay disho lkn ay doonaysey sharafteeda difaacdo, Saaka ayaan warkaas ka akhriyay wargeysyada ,alx hadana aad baan ugu farxay in lasii daayay “
Samiix: “Alle dib hakuugu celiyo dalkaagii adigoo nabad qaba,bal eega halkuu ku dambeeyey darawalkii, cidna awood maleh alle mooyee, allah ayaan ka magan gelaynaa inaan Khaatumo xun ku dhimano.”
Hiba:”Walaashay ha welwelin dadka Masar oo dhan ayaa isku raacay inaad Naftaada sharaftay,allah-na kuma dayacin sababtoo ah xaq u dirir ayaad ahayd ,Waxaad Sharaf u keentay Dalkaaga”.
Caadil: “Ogaada Soomaalidu waa dad wada geesiyo ah, ku adag diinta, waqti bay ahaayeen awoodda Geeska Afrika, arimahaas iyo kuwo kaleba dartood ayaa loo burburiyey ,waa shacab taariikh leh, mar uun way soo laaban doonaan”.
W; D: Cabdirisaaq Jubba
Hadalsame Media