(Islamabad) 26 Maajo 2022 – Dowladda Pakistan ayaa ogolaatay in lasoo daabulo millateriga si ay u difaacaan xarunteeda Islamabad saacadihii hore ee Khamiistan, iyadoo kumanaan dibedbaxayaal ah oo daacad u ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Imran Khan ay isugu soo baxeen waddooyinka.
Khan ayaa socod ku maray caasimadda Arbacadii si uu uga dalbado “dowladda la soo dirsaday” inay ku baaqdo doorashooyin deg deg ah, isagoo ula jeeda dowlad shisheeye u adeegta.
Yeelkeede, Wasiir Gudeedka Pakistan, Rana Sanaullah, ayaa soo tweet gareeyey in ciidamada la gayn doono jidadka iyo xarumaha dowladda ee “muhimka ah” sida uu qabo Qodobka 245 ee Dastuurka Pakistani, sida uu yiri.
“Dhismayaasha la ilaalin doono waxaa ka mid ah Maxkamadda Sare, Guriga Baarlamaanka, Guriga Ra’iisul Wasaaraha, Madaxtooyada, Xoghaynta Pakistan iyo Xarumaha Diblomaasiyadeed,” ayuu ku yiri ogeysiiskiisa.
Afarta dhisme ee ugu horreeya meelaha la sheegayo waxay ku yaallaan agagaarka fagaaraha magaalada oo loo yaqaan D-Chowk, oo ah bartilmaameedka Khan iyo taageerayaashiisa.
Arbacadii, isagoo weli 50 kiiloomitir usoo jira caasimadda Islamabad kana yimi Punjab, Ra’iisal Wasaaraha la afgembiyey ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay isugu soo baxaan fagaaraha D-Chowk oo aanay bannayn fagaaraha ilaa wax uu ku sheegay “dowladda dibedda laga keenay” ay ku dhawaaqdo doorasho cusub oo deg deg ah.
The Federal Government is pleased to authorize deployment of sufficient strength of troops of Pakistan Army in Red Zone under Article 245. pic.twitter.com/85Nex2xama
— Rana SanaUllah Khan (@PresPMLNPunjab) May 25, 2022
These are visuals from Islamabad, with Chairman PTI @ImranKhanPTI leading the caravan! #حقیقی_آزادی_مارچ pic.twitter.com/R3W3NclFW0
— PTI (@PTIofficial) May 25, 2022
پاکستانی قوم نے اپنا فیصلہ سنا دیا!! #حقیقی_آزادی_مارچ pic.twitter.com/9cbX8FIK8g
— PTI (@PTIofficial) May 25, 2022
We have entered Punjab and will InshAllah be heading towards Islamabad.
No amount of state oppression and fascism by this imported govt can stop or deter our march.#حقیقی_آزادی_مارچ pic.twitter.com/NMRNRU2F3G— Imran Khan (@ImranKhanPTI) May 25, 2022

Hadalsame Media