(Ankara) 25 Maajo 2022 – Weerar ay ku qaadeen godad ay argagixisada PKK adeegsato ee woqooyiga Ciraaq, howlgalka lagu magacaabo Operation Claw-Lock, ayaa lagu soo helay hub iyo agab ay Sweden samayso oo la siiyey PKK, walow ay mas’uuliyiinta Sweden ay beeniyeen inay gacan siiyaan argagixisada, taasoo caqabad ku noqotay xubinnimada NATO ee dalkaasi.
Ciidamada ayaa howlgalo ka sameeyey godad dhowr ah oo ku yaalla degaankaasi, kaddib markii ay gaadmo ku dileen 5 askari oo ka tirsan ciidamada Turkiga ee dagaalka kula jira argagixisada, sida ay Turkigu sheegeen.
Waxay kooxdani haysteen hubka lidka taangi ee AT-4 ee ay dhistay shirkadda Saab Bofors Dynamics Ammunition ee Sweden kaasoo laga soo qabsaday intii lagu guda jirey weerarka, sida uu sheegay TRT Haber.
Ciidamada amaanka Turkiga ayaa sidoo kale helay hub, gaadiid, qalab iyo sidoo kale telefishinno, dayax gacmeedyo, kuleyliyeyaal, matoorro iyo agabyo gaar ah oo ku jirey godad ay argagixisadu adeegsanaysey.
AT-4 oo ah mid ka mid ah gantaalaha ugu fudud ee lagula dagaallamo taangiyada caalamka ayuu culeyskiisu dhan yahay 6.4kg (14.1 rodol) wuxuuna dhirirkiisu dhan yahay 102 sentimitir (40 inji).
Markii hore waxaa asal ahaan dhistay shirkad Swedish ah oo la yiraahdo Saab Bofors Dynamics, hubkan se waxaa farsamadiisa kasii qaatay oo maduufikeeyey milliteriga Maraykanka waxaana ay iyagu ula baxeen M136.
FG: Sawirrada hoose waxay iskugu jiraan kuwa ay Turkigu soo bandhigeen iyo qaar si guud u muujinaya gantaalka.
Arrintan ayaa ceebaynaysa RW Sweden iyo Wasiir Dibadeedka Sweden oo shalay iyo maanta iska daba hadlay iyagoo ku doodaya inaysan wax hub ah siinin kooxaha Kurdiga ah ee PKK iyo YPG.

Photo by: Sgt. Bryson K. Jones
Photo ID: 2008119102026
Submitting Unit: 11th MEU
Photo Date:01/18/2008

Hadalsame Media