In gabar Soomaaliyeed ay jalaato u bood booddo imisa jaranjaro ayay soo martay (Imisa dhinac ayaa dhiirrigelisa?)

0

Tiktok baa la wada aaday si dhoocilo niikinaya loo daawado oo loo sii dhiirrigaligo.

Aroosyada iyo bandhigyadana waxba lama kala qarsado.

Meelaha qaarna niikadii waxaa la yidhi waa dhaqan oo waaba la soo bandhigaa.

In muddo ahna waxaa socotay dadka xorriyaddooda yaan faraha lala galin; ma Ilaahii xisaabinayaad tihiin… waxay doonaan ha xidhaan siday doonaanna ha isu walaaqaan… gabadhu maxay maxram uga baahan tahay intii ninku qaban karana way qaban kartaaye.

Waxaas oo isbiirsaday oo diintii iyo dhaqankii suubanaaba lid ku ah markii muddo la beerayay oo la biyeynayay, waxay dhaleen waxan hadda laga wada qaylinayo.

Inta Tiktok dhiirrigalinta ka waddaa waa ka kow. Kuwa qof xumaan sameeyay difaaca ee xorriyad iyo niic kale ka hadlaa waa ka kow. Kuwa aroosyada ka niikiyaa waa ka kow.

Markii iigu dambeysay wadaaddaa lahaa shirkadaha isgaadhsiinta. Iyaguna lacag bayba ka dhergeen intii Tiktok innoo timid.

Midhaha si fiican ha loo gurto.

Gunnimadan si fiican ha loo la jaanqaado.

Dullinninadanna si fiican ha loo la qabsado.

Haddii kale …

W; Q: Maxamed Yuusuf

Hadalsame Media