Dal NATO ka tirsan oo uu Ruushku horay gaaskii uga goostay oo haatan ku baryootamaya in loo fasaxo (Dalalka oo u kala dhuumanaya…)

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2022 – Dowladda Bulgaria ayaa waxay qorsheynaysaa inay Guddiga Yurub kala hadasho in dib loo eego inay lacagta Ruble-ka ku bixiso gaaska Ruushka, Wasiirka Tamarta dalkaasi, Alexander Nikolov, ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay kanaalka BTV.

Sofia ayaa hore u diiddey dalabka cusub ee Moscow oo dalalka cunaqabataynta saaray isna ku soo rogey inay gaaska ku iibsadaan lacagta Ruushka.

Nikolov ayaa la waydiiyey waxa ay ka dhigan tahay in wadamada sida Bulgaria, Poland iyo Finland aysan u hoggaansamin dalabka Ruushka, xilli dalalka Jarmalka iyo Talyaanigu ay aqbaleen inay xisaabaadka ku dhiibaan Ruble.

Sida laga soo xigtey Nikolov, saraakiisha Midowga Yurub waxay si cad u sheegeen in lacagaha lagu bixiyo lacagta Ruushka ay xadgudub ku tahay cunaqabataynta ay saareen Mosocw.

Yeelkeede, Sofia waxay ka filaysaa Komishanka Yurub inuu bixiyo tilmaamo dheeraad ah, sida uu yiri Wasiirka Tamartu.

“Heerka wadajirka iyo midnimada arrintani waa inuu ahaadaa mid aad u sarreeya intii suuragal ah. Haddii ay jiraan waxyaabo aan xisaabtaa ku jirin, dib baannu u eegi doonnaa, oo waxaan arkaynaa saamaynta ay ku yeelan doonto nidaamka oo dhan.” ayuu yiri Nikolov oo uu warkiisu u dhacayo in haddii ay dalal EU ka tirsani lacagta Ruushka wax ku gadan karaan iyana loo fasaxo.

Shirkadda tamarta ee Ruushka ee Gazprom ayaa hakisay gaaskii ay u dhoofin jirtey Bulgaria iyo Poland dabayaaqadii bishii Abriil kaddib markii ay diideen inay biilasha ku bixiyaan lacag Ruble ah.

Bulgaria ayaa waxay ku tiirsanayd gaaska dabiiciga ah ee Ruushka ku dhowaad ​​90%, inta soo hartay oo ah 10% waxay kala timaadaa Asarbajan.

Hadalsame Media