(Hadalsame) 24 Maajo 2022 – Gaariga gaashaaman ee dhulka ee Turki-sameega ee Yörük 4×4 ayaa bilaabay inuu markii ugu horreeysay uu ka howlgalo Afrika.
Baabuurkan ayaa bilaabay in uu socod ku maro waddooyinka dalka Chad, waana dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee iibsada gaariga Yörük 4×4, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu (AA).
Gaarigan oo ay samaysay shirkadda Turkiga ah ee gawaarida gaashaaman dhista ee Nurol Makina, ayaa markii ugu horreeysey lagu soo bandhigay Carwada Warshadaha Difaaca Caalamiga ah ee (IDEF) sanadkii 2017-kii.
Shirkadda ayaa muddo gaaban gudaheed heshiisyo la gashay 4 waddan, iyadoo dalkii ugu horreeyey ee loo dhoofiyey dhanka Afrika uu noqday dalka Chad.
Chad waxay dhowaan sidoo kale qalabka ciidamadeeda ku dartay gaariga kale ee gaashaaman ee taatikada ah ee Ejder Yalçın 4×4 kaasoo loogu talagalay isticmaalka ciidamada amniga iyo cutubyada millateriga.
Yörük 4×4 ayaa ku wanaagsan dhanka bandhigga dhaqdhaqaaqa hufan iyo wax ku oolnimada dhanka difaaca sare ah ee lagaga hortegayo walxaha qarxa ee baallistic-ga ah iyo miinada ama walxaha qarxa ee macmalka ah isagoo sidoo kale loo habayn karo iyadoo lagu salaynayo dookhyada isticmaalayaasha si loo waafajiyo cimilada iyo oogada dhulalka kala duwan ee la gayn doono.

Hadalsame Media