(Kyiv) 22 Maajo 2022 – Waa war uu qof kastaahi sugayey. Waxa kaliya ee la yaabka lahaa waxay ahayd, in ay qaadatay waqti dheer in dayuuradaha qura ee guuxooda ka dheereeya ee misna raadaarka ka dhuunta uu Ruushku u diro dalka Ukraine; Sukhoi Su-57 Felon.
Waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in Su-57 Felon lagu arkay hawada dalka Ukraine, gaar ahaan jihada bari iyo koonfureed ee ay haatan u badan yihiin howlgallada Ruushku.
Ruushka ayaa halkii uu raaci lahaa caqiidada dagaal ee reer Galbeedka ee qabta in agabka ugu casrisan bilowga la dagaal geliyo, Ruushka ayaa dib u dhigay inuu diyaaradahan soo diro iyagoo ka caawin lahaa burburinta awoodda cireed iyo tan dhuleed ee Ukraine.
Maxay haddaba tahay sababta ay haatan usoo dirayaan diyaaradda jiilka ugu dambeeya ee Su-57 xilli horraanba la wiiqay awooddii cireed ee dalkaasi? Waxaa lagu micneeyey 2 sababood:
1 – In aanu Ruushku weli kalsooni badan ku qabin awoodda dayuuraddan ee dhanka raadaar ka dhuumashada.
2 – In uu taxaddar ula jeedey, sida ay qabaan qaar ka mid falanqeeyayaasha Galbeedku.
Ruushka ayaa sidaa darteed hadda waxay haystaan fursad ay ku tijaabinayaan waxgalnimada mashiinkan casriga ah oo ah dayuuradda ugu dambaysa kuwa nooceeda ah ee Ruush-sameega ah.

Hadalsame Media