Ruushka oo markii ugu horreeysey qirtay inuu hub nooc cusub ah geeyey dalka Ukraine + Sawirro & sida uu u shaqeeyo

0

(Moscow) 19 Maajo 2022 – Ruushka ayaa bilaabay in uu u adeegsado nooc cusub oo hubka laysarka ah gudaha Ukraine kaas oo awood u leh in uu gubo bartilmaameedyo masaafo fog u jira, sida uu sheegay Ra’iisal Wasaare Xigeenka Ruushka ee Yuri Borisov, xilli uu hubka reer Galbeedku uu ku soo qulqulayo Ukraine.

Wakaalladda Wararka ee Tass ayaa ka soo xigatey Borisov mar uu la hadlay Telefishinka Qaranka Arbacadii shalay in hubkan cusub lagu tijaabiyay diyaarad daroon ah Talaadadii, taasoo lagu gubey muddo 5 ilbiriqsi ah gudahood.

Borisov ayaa tibaaxay in jiilka cusub oo hubkan laysarka ihi uu ugu dambayntii u oggolaan doono Ruushka inuu daysto ridista gantaalladiisa qaaliga ah ee riddada dheer oo uu bedelka laysarka adeegsado.

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isna sanadkan 2018-kii horay usoo bandhigay gantaalaha qaaradaha isaga kala gudba ee baalistigga ah, daroono nukliyeerka xambaara oo biyaha hoostooda marka, iyo hub aad u sarreeya oo laysar ah.

Wax yar ayaa se laga og yahay muuqaallada gaarka ah ee laysarka cusub. Putin waxa uu xusay mid la yiraahdo Peresvet, oo loogu magacdaray dagaalyahan caan ahaa oo Ruush ahaa oo la oran jirey Alexander Peresvet kaas oo Cahdiyadii Dhexe ku dhintay dagaal lagu hoobtay.

Borisov ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Moscow ka sheegay in Peresvet mar horeba lagu qalabeeyey Ciidamada Ruushka oo uu indha tiri karo dayax-gacmeedyada sabbaynaya fogaan dhan meelo ilaa 1,500 km ee ka sarreeya dhulka.

Waxa kaloo uu sheegay inay haatan Ukraine geeyeen nooc kale oo ku shaqeeya shucaaca laysarka oo u xoog badan sida Peresvet lagu magacaabo “Zadira” loona adeegsadey dhowr bartilmaameed.

Hadalsame Media