Maraykanka oo qarax dhul-gariir kiciyey ku tijaabinaya maraakiibta dagaalka oo uu leeyahay (Daawo)

0

(Florida) 16 Maajo 2022 – Ciidanka Badda Maraykanka ayaa wada qorshe ay maraakiibtooda ugu darbayaan inay u gigsadaan ruxanka qaraxyo aad u waawayn.

Waxay markabka USS Gerald Ford ee dayuuradaha xambaara oo isaga dhanba la howlgeliyey 22 Luulyo 2017-kii islamarkaana ay ku baxday $12.8 bilyan oo doollar horay sanadkii hore ay ugu tijaabiyeen qarax 20 tan ah.

Qaraxan oo aad u waynaa ayaa kiciyey dhul-gariir uu xajmigiisu gaarayo 3.9 rektar oo laga dareemay meelo ka fog xudunta qaraxa.

Waxaa tijaabadan oo sanadkii tegey ka dhacday meel xeebaha Gobolka Florida ka baxsan 160 km sidoo kale lagu tijaabin doonaa maraakiib kale.

Hadalsame Media