(Buffalo, NY) 15 Maajo 2022 – Booliiska Buffalo, New York, ayaa sheegay in ugu yaraan 10 qofki ku dhimatay kaddib markii uu nin qorile ihi weerar ku qaaday suuq wayne halkaa ku yaalla.
Ninka dadka laayey ayaa haatan ku jira
gacanta booliiska oo xusay in toogashadu ka dhacday Tops oo 1200 oo baloog u jirta Jefferson Avenue.
“Tani waa shar soocan,” ayuu yiri Erie County sheriff, John Garcia, oo saxaafadda la hadlay. “Waa weerar cunsuriyadi ka dambayso oo nacayb ku dhisan oo uu sameeyey qof aan bulshadeenna ka mid ahayn.”
Marka 10 geerida ah laga yimaado waxaa sidoo kale dhaawacmay dad ay ka mid yihiin sarkaal booliiska ka howlgabay oo ilaalo caadi ah ahaa iyo 3 kale.
Baarayaasha ayaa ku raad jooga waxa uu ahaa qofka toogashada gaystey oo la sheegay inuu toos u gudbinayey dhacdada uu ku weeraray meel ay madowgu u badan yihiin iyo inuu bayaan isir nacayb ah horay u qoray.
Waa wiil 18-jir ah oo caddaan ah oo ka yimid degmo kale oo ka tirsan gobolka New York, sida ay booliisku xaqiijiyeen.
Buffalo waa magaaladii uu ka yimid MW Somalia, Max’ed Farmaajo.

Hadalsame Media